Manchester City oo guul muhiim ah ka gaartay Fulham

Man City ayaa guul ay u qalmeen waxa ay ka gaareen Fulham oo ay uga talaabsadeen laba gool oo nadiif ah xilli ciyaarta aheyd mid hal dhinac ah

Sheekada labada qeyb: City waxa ay soo bandhigeen ciyaar weerar ah iyaga ayaana maamulka kubadda kaga sareeyay guud ahaan qeybta hore oo keentay in laba gool oo nadiif ah ay nasiinada ugu diraan kooxda Fulham .

Goolhayaha Fulham ayaa diiday in goolal intaas ka badan ay City nasiinada ugu diraan waxa uuna bad baadiyay fursado xaqiiq ahaa waxa ayna kooxdaas ka sheegteen in kubadda ay si sax ah uga soo fogeeyaan aagga gooshooda .

City guud ahaan iyada ayaa cagta ku haysay kubadda waxa ayna ku hayeen aagga afka hore Fulham xilli heerka kubad hayashada City ee qeybtaas hore gaareysay %70

City oo uu nasiibka u diiday goolal dheeraad ah ee qeybtaas hore ayaa waxaa u saxiixay goolasha Raheem iyo Kevin De Bruyn oo rigoore ku dhaliyay waxa ayna yimaadeen daqiiqadihii 5, 26-aad.

Qeybta labaad City waa ku sareeysay heerka kubad hayashada halka Fulham u muuqdeen kuwo ka dhaq dhaqaaq wacan qeybtii hore balse deg degsiimo ayaa dileeysay oo go`aano qaldan ayay qaadanayeen

City kulankaan dhinac waliba waa ay ka wacnaayeen oo isku xernaan qadka dhexe iyo daafaca ayaa jirtay waxa ayna xididgaha afka hore soo bandhigeen kubad weerar ah xilli Riyad Mehraz uu dirayay fariin ah in uu mudan yahay in uu asaasi ka ahaado shaxda tababare Pep .

Fulham daafac ahaan waa ay wacnaayeen qeybta labaad waan midda keentay in City gool sedexaad heli waayaan waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay laba gool oo nadiif ah oo ay guusha ku raacday Man Cuty xilli heerka kubad haysashada City ee qeybta labaad iyana ay gaartay %70

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*