Manchester City oo hakineysa Heshiiska Raheem Sterling uu ugu biirayo Barcelona bisha January

Manchester City ayaa ‘kahortagi doonta’ inay bisha Janaayo u fasaxdo kooxda Barcelona saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxdooda ee Raheem Sterling, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxda reer Catalan ayaa  lala xiriirinayay xiddiga  reer  England  , kaasoo aan weli mustaqbalkiisa u hibeyn  City .

Qandaraaska Sterling ee haatan waxa uu dhacayaa 2023, waxaana uu doonayaa dammaanad qaadka waqtiga uu ciyaarayo ka hor inta uusan qalinka ku duugin mid cusub.

26-sano jirkaan ayaa qirtay inuu xiiseynayo inuu ka ciyaaro dibadda ka hor dhamaadka xirfadiisa ciyaareed.

Laakiin tababare  Pep Guardiola  ayaan haatan diidan fikradda ah in Sterling la fasaxo – inkastoo uu xiiseynayo tababaraha cusub ee Barca Xavi.

Sida laga soo xigtay  ESPN , City wali waxay u tixgelisaa inuu yahay nin muhiim ah mana u furan inay u ogolaato inuu tago bartamaha xilli ciyaareedka.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*