Manchester City ayaa isha ku heysa xidiga wadanka Portugal ee kooxda Athletico Madrid Joe Felix kaas oo ay u aragto bedelka xidiga wadanka Argentina ee Sergio Aguero oo baxaya marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan sida ay qortay Cuatro.
Atletico Madrid ayaa laga yaabaa inay diyaar u tahay inay sii deyso xiddiga reer Portugal hadii kooxda Reer england ay bixineyso lacagta lagu qiimeeyo Felix Haddii Sergio Aguero uu ka baxo Manchester City kooxda ayaa durbadiiba isha ku heysa bedel macquul ah.
Sida laga soo xigtay Cuatro, City waxay eegi doontaa inay la soo saxiixato Joao Felix haddii ay dhacdo bixitaanka Aguero oo ay u badan tahay inuu ku biiri doono barcelona.
Atletico Madrid ayaa laga yaabaa inay diyaar u tahay inay Felix sii deyso madaama Diego Simeone uusan ku qancin ballanqaadkiisa kooxda.