Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City oo isha ku heysa Macalimiinta kala ah Mauricio Pochettino, Julian...

Manchester City oo isha ku heysa Macalimiinta kala ah Mauricio Pochettino, Julian Nagelsmann?

0

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso Mauricio Pochettino iyo Julian Nagelsmann iyadoo cabsi laga qabo mustaqbalka Pep Guardiola ee Etihad Stadium.

Tababaraha reer Catalan ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka ololahan, waxaana uu dhawaan shaaca ka qaaday in wadahadalada heshiis kordhinta aysan weli bilaabin.

Guardiola ayaa sidoo kale horay u sheegay inuusan xiiseyneynin inuu ku laabto Barcelona isla markaana uu doonayo inuu sii joogo City, laakiin shabakada Goal ayaa sheegeysa inuusan ku dhowaan inuu si rasmi ah u fuliyo.

Madaxda City ayaa la sheegayaa inay diyaariyeen liis ay ku qoran yihiin kuwa bedeli kara, iyadoo RB Leipzig ‘Nagelsmann’ iyo tababaraha shaqada ka maqan Pochettino ay ka mid yihiin kuwa la tixgelinayo.

Nagelsmann ayaa ku hogaamiyay Leipzig kaalinta seddexaad ee Bundesliga iyo semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkii hore, halka Pochettino uu shaqo la’aan ahaa tan iyo markii uu ka tagay Tottenham Hotspur 12 bilood ka hor.

Previous articleManchester United oo fursad u heysata in ay lasoo wareegto Raphael Varane
Next articleWararka Xanta Suuqa kala iibsiga ee maanta Messi, Balotelli, Bellingham, Guardiola, Pogba, Traore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here