Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City oo iska xaadirisay wareega 16 aad kadib guul muhiim ah...

Manchester City oo iska xaadirisay wareega 16 aad kadib guul muhiim ah oo ay gaartay

0

Manchester City ayaa iska xaadirisay wareegga 16ka tartanka Champions League kaddib markii ay 1-0 ku garaacday kooxda reer Turkey ee Olympiakos oo ay marti u ahayd.

Kulankan oo uu Pep Guardiola isbeddello badan ku sameeyey safkiisa ayaa waxa goolka qaybtii hore u dhaliyey Phil Foden oo shabaqa ku hubsaday kubbad uu ka helay Raheem Sterling.

Manchester City ayaa dhalin karaysay goolal kale oo intan ka badan iyadoo samaysay fursado iyo gacan ku haynta kubadda oo ay ku sarraysay.

Guushan ayaa waxay siisay Manchester City inay 12 dhibcood kaga soo baxdo Group C iyadoo ay waliba u hadhsan yihiin laba ciyaarood.

Shaxdii labada kooxood

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Joao Cancelo, John Stones, Ruben Dias, Benjamin Mendy; Bernardo Silva, Rodri, Ilkay Gundogan; Phil Foden, Gabriel Jesus, Raheem Sterling.

Kaydka: Sergio Aguero, Oleksandr Zinchenko, Zack Steffen, Aymeric Laporte, Ferran Torres, Fernandinho, Riyad Mahrez, Scott Carson, Eric Garcia, Felix Nmecha, Tommy Doyle, Cole Palmer.

OLYMPIACOS (3-4-1-2): Jose Sa; Ruben Semedo, Ousseynou Ba, Pape Abou Cisse; Mohamed Drager, Mady Camara, Yann M’Vila, Rafinha; Pepe; Kostas Fortounis, Giorgos Masouras.

Kaydka: Hillal Soudani, Andreas Bouchalakis, Ruben Vinagre, Thanasis Androutsos, Marios Vrousai, Avraam Papadopoulos, Ilias Karargyris, Nikitas Nikolis, Fotios Kitsos, Angelos Tsavos, Konstantinos Tzolakis, Vasilis Sourlis.

Fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta waxa sameeyey Rodri oo kubbad diciif ah si toos ah ugu hagaajiiyey goolhaye Jose Sa oo isagoon is dhibin qabtay.

Daqiiqaddii 36aad ee ciyaarta ayay Manchester City awood u yeelatay inay jabiso derbiga difaac ee Olympiakos ay goolkeeda ka hor dhistay, waxaana ugu dambayntii shabaqooda gaadhay kubbad ka timid Phil Foden.

Raheem Sterling ayay lugtiisa gashay kubbad uu usoo dhiibay Gabriel Jesus oo loo dhex dhigay xerada ganaaxa, waxaanu kusoo celiyey cidhib. Phil Foden oo cidlo kalidii ordaya ayaa  kubadda lugta bidix ku toogtay goolka oo masaafo dhow u jiray, iyadoo aanu wax fursad ah siinin goolhaye Sa.

Gabriel Jesus ayaa garab ka waayey Raheem Sterling bilowga qaybta dambe kaddib markii uu kubbad xaalad-iyo-hal ah si toos ah ugula abaaray goolhaye Sa.

Gundogan ayaa ku dhowaaday inuu shabaqa ku hubsado kubaddii labaad ee kooxdiisa hoggaanka usii dheerayn lahayd iyadoo uu ka fa’iidaysanayay difaaca kala daadsanaa ee Olympiakos, waxaana kubadda uu dhinac mariyey birta iyadoo haddii uu farsamadiisa si kale u dhigi lahaa uu goolka ku hubsan lahaa.

Manchester City ayaa ku dooday in rikoodhe la siiyey markii uu Semedo qalad ku galay Jesus oo xerada ganaaxa ku jira balse waxa la go’aamiyey in aanay wax lagu qanco oo rikoodhe noqdaa jirin.

Pep Guardiola ayaa beddel kusoo geliyey Zinchenko, Aguero iyo Fernandinho si uu u firfircoonaysiiyo kooxdiisa oo dareemaysay in culays saaran yahay qaybtii dambe, isla markaana uu ciyaartoyda daalku ka muuqdo u nasiyo.

Ciyaarta ayaa ugu dambayntii kusoo dhamaatay 1-0 ay guushu ku raacday Manchester City oo sidaa ugu gudubtay wareegga 16ka tartanka Champions League.

Previous articleKooxda Liverpool oo guul looga gaaray Garoonkeeda xili uu adkaaday Garuubka D
Next articleReal Madrid oo guul ka gaartay Inter milan Xili Casaan la siiyay Arturo Vidal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here