Manchester City oo isku diyaarinaysa inay dagaal u gasho Matthijs de Ligt.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee soo bandhigtay xiisaha ay u qabto saxiixa daafaca dhexe ee Juventus Matthijs de Ligt.

22-sano jirkaan ayaa bilihii lasoo dhaafay lala xiriirinayay inuu isaga tagayo kooxda ka dhisan Serie A, iyadoo kooxaha Chelsea iyo Barcelona ay sidoo kale isha ku hayaan daafaca.

Sida laga soo xigtay majaladda Talyaaniga ee Calciomercato , via Fichajes , De Ligt oo aan ku faraxsanayn waqtigiisa Turin xilli ciyaareedkan – isagoo ciyaaray 662 daqiiqo 12 kulan oo tartamada oo dhan ah – mana dareemayo inuu ku kalsoon yahay tababaraha haatan ee Massimiliano Allegri .

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Man City ay dooneyso inay xoojiso dhabarka dambe ee xagaaga 2022, waxaana ay u aqoonsatay De Ligt bartilmaameed macquul ah maadaama ay ka warqabaan xaaladiisa haatan.

De Ligt waxa qandaraaskiisa lagu burburin karaa €150m (£128.4m) kaas oo shaqayn doona July 2022 – si lamid ah Erling Braut Haaland uu kula jiro heshiiska Borussia Dortmund.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*