Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City oo ka fiirsaneysa inay lacag badan ku dalbato Romelu Lukaku

Manchester City oo ka fiirsaneysa inay lacag badan ku dalbato Romelu Lukaku

0
@Reuters

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa  inay xagaagan u dhaqaaqdo Weeraryahanka Romelu Lukaku ee kooxda inter milan .

Citizens ayaa la filayaa inay suuqa ka raadiso weeraryahan cusub dhamaadka xilli ciyaareedka 2020-21, iyadoo gooldhaliyaha ugu sareeya taariikhda kooxda Sergio Aguero ay macquul tahay inuu kaga tago qaab bilaash ah.

Sida laga soo xigtay The Telegraph , City ayaa diyaar u ah inay 200 milyan oo ginni ku qarash gareyso suuqa kala iibsiga xagaaga si ay u horumariso kooxdooda, waxaana Lukaku loo aqoonsaday inuu bartilmaameed u noqon karo kooxda.

27 jirkaan ayaa dhaliyay 42 gool 96 kulan oo uu u saftay Manchester United intii u dhaxeysay 2017 iyo 2019 ka hor inta uusan ku biirin Inter, halkaasoo uu ku jiray qaab ciyaareed aad u fiican.

Xiddiga reer Belguim ayaa shabaqa soo taabtay 51 jeer 73 kulan oo uu u saftay kooxda reer Talyaani, oo ay ku jiraan 17 gool 22 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan intii lagu jiray ololihii 2020-21.

City ayaa lagu soo waramayaa inaysan diyaar u aheyn inay qandaraas cusub u gacan geliso Aguero ilaa iyo inta uu xiddiga reer Argentine, kaasoo kabanayo dhibaatada dhaawacyada intii lagu jiray xilli ciyaareedkaan, isla markana uu cadeeyo taam ahaanshihiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here