Manchester City oo ka fiirsaneysa inay lasoo wareegto xiddiga Real Madrid Luka Modric

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay lasoo wareegto halyeeyga Real Madrid Luka Modric .

36-sano jirkaan ayaan weli qandaraaska u kordhin Los Blancos wax ka badan 2022, inkastoo la filayo in labada dhinac ay kalsooni ku qabaan in heshiis la gaari karo.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo Modric uu haatan ku jiro lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa kooxda Carlo Ancelotti , ku guuleystaha Ballon d’Or 2018 ayaa xor u ah inuu wadahadalo la galo kooxo ajnabi ah.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Man City ayaa si gaar ah isha ugu haysa xaalada Modric, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia uu haatan ka dhamaaday dulqaadka wadahadalada qandaraas kordhinta.

Ciyaaryahankii hore ee Tottenham Hotspur ayaa caawiye ka ahaa shan caawin 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waxaana uu Bernabeu kula guuleystay afar Champions League iyo labo horyaal oo La Liga ah.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*