Manchester City oo ku dhow inay la soo wareegto daafaca Barcelona Araujo

Manchester City ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Barcelona Ronald Araujo.

Daafaca awooda badan ayaa xilli ciyaareedkan fure u ahaa kooxda Catalan.

Waxa uu si heer sare ah uga soo hoos shaqeeyay Ronald Koeman iyo Xavi Hernandez , isagoo ka caawiyay inay sii xoojiyaan difaaca Barca ololaha oo dhan.

Sida laga soo xigtay Super Deporte , waxaa lala xiriirinayaa Arsenal , Manchester United , Chelsea , iyo kooxo kale, maadaama uu qandaraaskiisu dhacayo 2023.

Si kastaba ha ahaatee, isha ayay ku heysaa Manchester City oo hadda ah kooxda ugu cadcad inay la soo wareegto Araujo.

City waxa ay rajaynaysaa in Araujo uu garab istaago Ruben Dias si ay u noqdaan dooqa kowaad ee daafac dhexe xilli ciyaareedka soo socda.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*