Manchester City oo kula xifaaltameysa Liverpool iyo Barcelona saxiixa Renato Sanches

Photo/Reuters

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lille Renato Sanches .

24-sano jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayay inuu ka tagayo kooxdiisa Faransiiska inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin ugu dambeyntii wuxuu ku haray Stade Pierre-Mauroy.

Waxaa mar kale la isla dhexmarayaa mustaqbalka xiddiga reer Portugal, iyadoo kooxaha Barcelona iyo Liverpool la rumeysan yahay inay xiiseynayaan saxiixiisa sanadka soo socda.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Fichajes , Man City ayaa sidoo kale ugaarsi ugu jirta ciyaaryahanka khadka dhexe, kaasoo lagu heli karo lacag dhan 35 milyan ginni inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

Sanches ayaa la dhibtoonayay dhaawacyo xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu wali ka soo muuqday 11 jeer kooxdiisa France isaga oo dhaliyay hal gool.

xidigan, oo qandaraas kula jira Lille ilaa June 2023, ayaa dhawaan furay albaabka ka bixitaanka Janaayo isagoo ku adkeystay inuu “diyaar u yahay” inuu qaado tallaabada xigta ee xirfaddiisa.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*