Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City oo la soo saxiixaneysa weeraryahan cusub iyadoo aan loo eegin...

Manchester City oo la soo saxiixaneysa weeraryahan cusub iyadoo aan loo eegin heshiiska Lionel Messi.

0
@Reuters

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay horay u sii wadi doonto qorshaheeda inay la soo wareegto weeraryahan cusub, iyadoo aan loo eegin haddii ay ku guuleystaan ​​baacsiga ay ugu jiraan xiddiga Barcelona Lionel Messi .

Citizens waxaa ka maqnaa gooldhaliyaha ugu goolasha badan kooxda Sergio Aguero inta badan xilli ciyaareedkaan, taasoo ka dhigeysa Gabriel Jesus inuu yahay weeraryahankooda kaliya ee kooxda heysato.

Aguero ayaa haatan la filayaa inuu u dhaqaaqo xagaaga marka uu qandaraaskiisu dhaco, isagoo soo gabagabeynaya muddo toban sano ah oo uu ku sugnaa Etihad Stadium.

City ayaa lala xiriirinayay tiro ka mid ah weeraryahanada isbuucyadii u danbeysay, iyadoo Inter Milan xidigeeda Romelu Lukaku lagu xamanayey inuu noqondoono dooqa Pep Guardiola

Si kastaba ha noqotee, Guardiola ayaa sidoo kale loo saadaalinayaa inuu la midoobi doono Messi, sida laga soo xigtay 90min , City ayaa weli raadineysa inay keento ciyaaryahan leh tayo Lukaku xitaa haddii ay ku guuleystaan ​​inay la wareegaan xiddiga Barcelona.

Erling Braut Haaland , oo dhaliyay 38 gool 40 kulan oo uu u saftay kooxda Borussia Dortmund tan iyo markii uu ku soo biiray 13 bilood ka hor, ayaa ah bartilmaameed kale oo la soo sheegay oo ay u qabaan hogaamiyaasha Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here