Manchester City oo mushahar kordhin u sameeneysa Xidiga Foden

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Phil Foden ayaa qarka u saaran inuu sare u qaado mushaar kordhin.

Foden ayaa qarka u saaran in loo gacan geliyo qandaraas cusub maalmo uun ka dib markii uu seddexley ka dhaliyay kulankii ay 6-3 kaga badiyeen Manchester United .

Waxa uu diyaar u yahay in uu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu kooxda ku sii hayn doono shan ama lix sano oo kale.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee weerarka ayaa diyaar u ah inuu aqbalo dalab u arko inuu usbuuciiba qaato £225,000, sidaas waxaa sheegtay Daily Mail .

Wararka ayaa sheegaya in uu haatan qaato £65k-toddobaadkii iyada oo uu mushaharkiisu ku dhow yahay in uu saddex jibaarmo.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*