Home Warar Ciyaaraha Maanta Manchester City oo siin doonto Pep Guardiola 100 milyan oo euro

Manchester City oo siin doonto Pep Guardiola 100 milyan oo euro

0

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay siin doonto Pep Guardiola 100 milyan oo euro suuqa January si uu ugu xoojiyo kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Tababaraha ayaa isha ku haya laba xiddig oo ka ciyaarta horyaalka Bundesliga.

City ayaa suuqii xagaaga ee la soo dhaafay kaliya la soo saxiixatay xiddiga Savinho kaas oo ay kula soo wareegtay kaliya 21 milyan oo euro.

Si kasta ha ahaatee kooxda ayaa uruurisay lacag dhan 160 milyan euro oo ay ka samaysay xiddigaha ay iska iibisay suuqii xagaaga.

Pep Guardiola ayaa ogsoon in uu haysto xiddigo yar isla markaas uu u baahanyahay in uu xoojiyo kaydkiisa.

Sida laga soo xigtay The Sun, Waxa jirta lacag sugaysa Pep Guardiola suuqa January si uu u xoojiyo kooxdiisa qaybta dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here