Manchester City oo taako loo dhigay mudo kadib, iyo Liverpool oo guul ka gaartay Aston Villa

kooxda hogaanka u heysa horyaalka Premier league ayaa mudo kadib taako loo dhigay waxayna ay kala kulantay kooxda Leeds United oo ku jirta booska 9aad ee horyaalka.

Leeds United oo kulantay booqasho ku tagtay garoonka Etihad Stadium ayaa guusha kulankan ugu filneyd labo gool oo yimid qeybta hore iyo qeybta danbe ee ciyaarta.

Xidiga Stuart Dallas ayaa qeybta hore daqiiqadii 42aad ee ciyaarta iyadoo qeybta hore lagu kala nastay goolkaasi.

Qeybta danbe daqiiqadii 76aad ayay Man City u suura gashay goolka bar-baraha kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubad banaanka loo soo dhigay xidiga Ferran Torre.

Leeds oo kulankan Casaan laga qaatay ayaa heshay goolka bar-baraha daqiiqadii 90+3aad ee ciyaarta xidiga Stuart Dallas ayaa helay goolkiisa labaad ee kulanka guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-2.

Natiijada ayaa ka dhigan in Man City ay ku jirto booska ugu horeeya iyadoo leh 74 dhibcood waxana ku soo xigta man united oo leh 60 dhibcood.

Liverpool 21 Aston Villa

dhanka kale kooxda Liverpool ayaa guul ka gaartay kooxda Aston Villa kulan ka tiran Horyaalka Premier league oo lagu ciyaartay garoonka Anfield.

Reds ayaa labada gool ee kulankan heshay qeybta hore iyo qeybta danbe waxaana ka caawiyay Mohamed Salah 57 daqiiqo iyo Trent Alexander-Arnold 90+1 daqiiqo halka gool rigoore uu ka qasaariyay Roberto Firmino, kooxda Aston Villa ayaa goolka kaliya ee kulanka ka heshay Ollie Watkins.

Kooxda Liverpool ayaa soo gashay booska afaraad ee Horyaalka Premier League kaasi oo ku meel gaar ah.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*