Manchester City oo Tartan kala kulmeysa West Ham United saxiixa Alex Grimaldo.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay kula biirtay West Ham United tartanka loogu jiro daafaca bidix ee Benfica Alex Grimaldo .

Xiddiga reer Spain ayaa haatan galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda reer Portugal isaga oo si xor ah ugu tagi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay wax u socdaan.

Benfica ayaa la fahamsan yahay inay u furan tahay iib qiimo dhimis ah toddobaadyada soo socda si ay uga fogaato inay Grimaldo lumin wax la’aan 2023, taasoo digniin u dirtay kooxo badan.

Arsenal ayaa ilaa hadda lala xiriirinayay saxiixa Grimaldo, laakiin Gunners ayaa isaga hartay xiisaheeda kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa Oleksandr Zinchenko oo ay kala soo wareegeen Man City.

Ka bixitaankii Zinchenko ee Etihad ayaa Man City ka dhigtay in ay suuqa ka raadinayso daafac bidix oo cusub, laakiin diyaar uma ahayn in ay la kulmaan Brighton & Hove Albion qiimaynta Marc Cucurella .

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*