Home Horyaalka Ingiriiska Manchester City oo u dhaqaaqeysa Lionel Messi bisha Janaayo.

Manchester City oo u dhaqaaqeysa Lionel Messi bisha Janaayo.

0

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa in ay qorsheyneyso in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka Barcelona Lionel Messi marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

33 jirkaan ayaan ku guuleysan isku daygii inuu ka tagi lahaay kooxda reer Spain xagaagii hore, isagoo u cuskanaya qodob ku jira qandaraaskiisa oo siinaya fursad oo si bilaash ah oo uga tagi karo dhamaadka xilli ciyaareedkan kooxdiisa.

Aafada coronavirus waxay la micno tahay in dhamaadka xilli ciyaareedka uu dib u dhacay, weeraryahanka reer Argentina ayaa doortay inuu sii joogo sanad kale.

Pep Guardiola kooxdiisa ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay lasoo wareegeen Messi xagaagii hore, waxaana ay weli yihiin kuwa ugu cadcad si ay u xaqiijiyaan adeegiisa hadii uu baxo dhamaadka xilli ciyaareedkaan, laakiin sida laga soo xigtay The Sun , kooxda ayaa dooneysa inay keento Premier League sida ugu dhakhsaha badan Janaayo.

Wargeyska ayaa sheegaya in Barca ay ka warqabto inay u badan tahay inay waayi doonaan ciyaaryahankoodii abid ugu wanaagsanaa kasoo ku bixi doona beeca xorta, waxaana laga yaabaa inay doortaan ayna aqbalaan qaar ka mid ah lacagaha looga baahan yahay suuqa kala iibsiga ee bartamaha xilli ciyaareedka sidoo kale waxay arki doonaan faa’iidada ay leedahay inay lumiyaan mushaarka culus oo ka soo baxa miisaaniyadooda.

Messi laftiisa ayaa laga yaabaa inuusan ku jirin heshiiska noocaas ah, si kastaba ha ahaatee, warbixin dhowaan soo baxday ayaa sheegtay inuu ku dhow yahay in la siiyo 30m oo abaalmarin ah haddii uu xilli ciyaareedka la qaato kooxda reer Catalan, xitaa haddii uu markaas tagayo bilaash ah

Previous articleMessi oo amaanay qaab ciyaareedka wanaaga ay soo bandhigeen xulkiisa Argentina kulankii Peru
Next articleDaafaca Schalke Malick Thiaw oo ka jawaabay wararka xanta ah ee Xiisihiisa Liverpool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here