Manchester City oo ugu cadcad saxiixa Erling Haaland xagaagan.

Manchester City ayaa ugu cadcad saxiixa Erling Haaland xagaagan.

Weeraryahanka Borussia Dortmund ayaa ka mid ah ciyaartoyda loogu doonista badan yahay kubadda cagta adduunka.

Waa Xili xagaaga marka Haaland qandaraaskiisa lagu burburin karo 64 milyan ginni si uu u noqdo mid koox kale ku biiri kara.

Xidiga yar ee hibada aadka u wayn leh ayaa kooxaha ugu sareeya Yurub aad u xiiseenayaan saxiixiisa.

Sky Sports ayaa sheegaysa in City ay tahay kooxda ugu cadcad si ay u helaan 21 jirkaan.

Taasi waa haddii xiddiga heerka caalami ee dalka Norway uu go’aansado inuu u dhaqaaqo Premier League .

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*