Manchester City oo wadahadalo kula jirta Erling Braut Haaland iyo Mino Raiola.

Agaasimaha Manchester City Txiki Begiristain ayaa lagu soo waramayaa inuu la kulmay wakiilka Mino Raiola bishii Febraayo si uu ugala hadlo u dhaqaaqista xagaaga ee weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland .

21 jirkaan ayaa markale qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay BVB intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 23 gool, waxaana uu diiwaan geliyay lix caawin 20 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Haaland ayaa qandaraaskiisa lagu burburin karaa 67 milyan ginni xagaagan, waxaana si weyn loo filayaa inuu ka tago kooxda Jarmalka, iyadoo kooxo badan ay ugaarsanayaan saxiixiisa.

Real Madrid , Barcelona iyo Paris Saint-Germain ayaa dhamaan wali sii wada in lala xiriirinayo weeraryahanka, laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Man City ay haatan hogaaminayso tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Sida laga soo xigtay saxafiga reer Talyaani Fabrizio Romano , agaasimaha Man City Begiristain ayaa bishii hore kulan la qaatay wakiilka Haaland Raiola si ay ugala hadlaan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Citizens ayaa la aaminsan yahay in ay isaga hartay xiisihii ay u qabtay xiddiga Tottenham Hotspur ee Harry Kane si ay diirada u saaraan saxiixa weeraryahanka Dortmund inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Haaland waxa uu dhaliyay 80 gool waxana loo diwangeliyay 21 caawin 79 kulan oo uu u saftay BVB tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Red Bull Salzburg bishii January 2020.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*