Manchester City oo Wali ka Fiirsanaysa Dalab daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol

Manchester City ayaan wax dalab ah miiska u saarin daafaca RB Leipzig ee Josko Gvardiol , sida lagu sheegay warbixin.

Kooxda heysata horyaalka Premier League ayaa la fahamsan yahay inay raadineyso daafac bidix oo cusub ka dib markii ay u ogolaatay Oleksandr Zinchenko inuu ku biiro Arsenal horaantii daaqada.

Gvardiol, oo ka ciyaari kara daafac dhexe ama bidix, ayaa la rumeysan yahay inuu diirada u saaran yahay City, halka seddexda kooxood ee reer London ee Chelsea , Arsenal iyo Tottenham Hotspur ay sidoo kale xiiseynayeen.

Talaadadii, waxaa wariyay jariirada Jarmalka ee Bild in Citizens ay aragtay dalab €80m (£66.8m) oo 20-sano jir ah ay diiday Leipzig.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa haatan sheegeysa in City aysan wax dalab ah miiska u saarin Gvardiol, islamarkaana aysan haatan wax niyad ah u heyn saxiixa daafacan xagaagan.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Leipzig ay rajeyneyso inay sii haysato xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia, kaasoo ay uga harsan tahay afar sano qandaraaskiisa kooxda Bundesliga ka dhisan.

 

 

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*