Manchester City oo war Cusub kasoo saartay Xiisaheeda daafaca David Alaba’

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inaysan xiiseyneynin daafaca Bayern Munich David Alaba inkastoo ay raadinayaan bedelka Daacafa bidix.

Alaba ayaa qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga, waxaana ay u muuqataa inuu si xor ah uga tagayo Bayern Munich marka uu qandaraaskiisa haatan dhacayo.

Manchester City ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Austria iyadoo raadineysa inay hesho daafac bidix muddo dheer, laakiin Manchester Evening News ayaa warinaysa in Pep Guardiola uusan xiiseyneynin inuu Alaba ku daro kooxdiisa.

28 jirkaan ayaa kooxo badan waxay doonayaan Saxiixiisa, iyadoo Real Madrid la rumeysan yahay inay ku jirto booska, halka kooxaha Ingariiska ee Chelsea iyo Liverpool ay sidoo kale xiiseynayaan.

Alaba wuxuu u ciyaaray 421 kulan kooxda koowaad ee Bayern Munich, iyadoo loo adeegsaday dhowr boos oo kala duwan intii uu joogay Allianz Arena, isagoo u dhaqaaqay daafaca dhexe tan iyo markii uu yimid Alphonso Davies ee daafaca bidix.

Intii uu joogay Bayern Munich, Alaba wuxuu ku guuleystay sagaal horyaal, labo Champions League iyo lix DFB-Pokals

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*