Manchester City oo Xasuuq 6-0 u geysatay kooxda Nottingham Forest

Kooxda kubadda Manchester City ayaa xasuuqday Nottingham Forest kulan ka dhacay Etihad Stadium, kulan uu goolasha kusii dheeraystay weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland oo qaybtii horeba xaqiijistay saddexlay goolal ah oo uu ku burburiyey kooxda martida ahayd, iyaga oo 6-0 ku karbaashay kooxda heerka labaad ka timid.

Man City ayaa gaadhay guusheedii afraad ee xilli ciyaareedkan, waxaanay bilowgiiba laba gool oo aanay waqti badan u dhaxaynin ku niyad-jabisay Nottingham Forest oo xilli horeba is-dhiibtay.

Xidiga Haaland ayaana labada gool dhaliyay daqiiqadii 1aad iyo 23aad ka hor intii aanu mid saddexaad raacinin isla qaybta hore Daqiiqadii 38aad.

Xidiga Julian Alvarez oo ay u ahayd ciyaartiisii koowaad ee uu kusoo bilowdo ayaa dhaliyay labo gool daqiiqadii 65aad iyo 87 aad ,halka midka lixaad oo u saxeexay Joao Cancelo.

Manchester City ayaa ku jirta kaalinta labaad ee horyaalka Premier League, waxaanay haystaan 13 dhibcood iyaga oo laba dhibcood ka dambeeya Arsenal oo shantii ciyaarood ee ay dheeshayba guuleysatay, isla markaana haysata 15 dhibcood.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*