Manchester City oo xasuuq u geesatay Kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan Horyaalka Premier League

Kooxda Manchester City ayaa Caawa Xasuuq u geesatay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan Horyaalka Ingariiska oo ku soo dhamaaday 4-0 ciyaar hal dhinac aheyd.

Xidigaha City ayaana Kooxda ka caawiyay in gasho booska labaad ee Horyaalka iyadoo wali uu u harsanyahay kulan kale oo u baaqday.

citizens oo ku jirta kulamadii ugu danbeeyay Guulo ayaa heshay goolasha badankooda qeybta danbe iyadoo hal gool oo kaliya ay heshay qeybta hore waxana u saxiixay John Stones daqiiqadii 26-aad-

isku imaatinka qeybta danbey Manchester City ayaa sii waday kubadeeda iyadoo Ilkay Gundogan uu dhaliyay goolka labaad daqiiqadii 56-aad ka hor inta uusan shabaqa soo taaban markale John Stones daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta Xidiga Raheem Sterling ayaana soo afjaray goolasha City daqiiqadii 88-aad iyadoo ciyaarta ku soo idlaatay 4 iyo 0.

Guusha Manchester City ayaana ka dhigan in ay soo gasho booska labaad ee horyaalka marka la eego farqiga goolasha.

Maxaa Xiga

Kooxda City ayaa booqan doota kooxda Aston Villa kulan ka tirsan Horyaalka Premier league 20 bishan oo ku beegan maalin arbaco ah.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Ciyaaro.com Warar Kooban oo Xiiso leh

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*