Home Wararka Ciyaaraha Manchester City oo Xasuuqday Manchester United, Haaland iyo Foden oo min Saddexley...

Manchester City oo Xasuuqday Manchester United, Haaland iyo Foden oo min Saddexley dhaliyay

0

Kooxda Manchester City ayaa Xasuuq u geysatay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Manchester United kulan bahdilaad xoogan lagu sameeyay Red Devils oo keydka dhigtay Ronaldo.

Xidigaha Haaland iyo Phil Foden ayaa iskugu jawaabay min Saddex gool taasi oo keentay in City ay 6-3 ku Xasuuqday kooxda Manchester United.

Phil Foden ayaa goolashada Daah-furay Daqiiqadii 8aad waxana Labo Gool ku daray Haaland Daqiiqadihii 34aad iyo 37aad Goolasha ayaana ahaa gool uu madax ku dhaliyay iyo mid banaanka loo dhigay uu si qurux badan ku dhameestiray  isla qeybta hore Foden ayaa goolkiisa labaad ku daray kaasi oo ahaa goolka 4aad ee ciyaarta waxana lagu kala nastay 4-0.

Xasuuqa Manchester United ee kulanka ayaa halkiisa kasii socday inkastoo Saddex gool u dhaliyeen Xidiga Santos Daqiiqadii 56aad iyo labo gool uu ku daray Anthony Martial.

Daqiiqadii 64aad ee ciyaarta Haaland ayaa dhaliyay goolkiisa Saddexaad ee kulankan isagoo Bidix ku dhameestiray kubad uu banaanka soo dhigay Gomez, 9 Daqiiqo kadib Foden ayaa jawaabay kaasi oo dhaliyay goolkii 6aad ahaana kiisa Saddexaad ee ciyaarta kubad uu ka helay Haaland ayuuna bidix ku dhaliyay guud ahaan kulanka ayaa ku soo dhamaaday 6-3.

Macalinka Manchester City ayaa la baxay Xidigaha waaweyn ee Kooxda isagoo soo galiyay Caruur yar yar taasi oo aheyd fashil kale oo lagu sameeyay Manchester United.

Tajiijo ahaan Manchester city ayaa wali ku jirta booska 2aad iyadoo leh 20 dhibcood halka United oo heysata 12 dhibcood ay fadhiso ama u dhacday booska 6aad.

Previous articleShaxda Rasmiga: Manchester City Vs Manchester United ee Horyaalka Premier league-ga, Liiska Xidigaha lagu soo bilaabay
Next articleRoy Keane oo sheegay in kooxda Manchester United ay ula dhaqanto Cristiano Ronaldo ixtiraam darro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here