Manchester City oo xiiseyneysa ciyaaryahanka Everton Lucas Digne

Photo/Reuters

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiseenayo daafaca bidix ee kooxda Everton Lucas Digne inuu yahay ciyaaryahanka bisha Janaayo lasoo saxiixan karaan.

Joao Cancelo iyo Nathan Ake ayaa inta badan buuxiya booska bidix ee daafaca City xilli ciyaareedkan, iyadoo Benjamin Mendy iyo Oleksandr Zinchenko ay la dhibtoonayaan dhaawacyo.

 Daily Mail ayaa qortay in Guardiola uu xoojinayo garabka bisha Janaayo, Digne ayaana soo jiitay dareenka tababaraha City kaasi oo muhiim u ah Kooxda.

Si kastaba ha noqotee, Everton ayaa u maleyneysa inay 27 jirkaan qandaraas cusub ku xirayso si ay uga hor istaagto xiisaha kooxda Guardiola, iyadoo qandaraaska Digne ee Goodison Park uu dhacayo 2023.

Daafaca ayaa u dhaliyay shan gool 17 kalena caawiye ka ahaa Everton tan iyo markii uu yimid, laakiin Digne lama filayo inuu markale garoonka soo galo ilaa dhamaadka bisha Janaayo ugu horayn.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*