Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qaboojisay xiisahooda xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland .
Dagaal baaxad leh ayaa lagu wadaa inuu ka bilowdo saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Norway xagaaga soo aadan, iyadoo wakiilka Mino Raiola uu ka dhawaajiyay in u dhaqaaqista meel kale sanadka 2022 uu ku dhowyahay .
City waa mid ka mid ah dhowr kooxood oo loo saadaalinayo inay u dagaallamaan adeegga Haaland, iyadoo Manchester United, Paris Saint-Germain, Barcelona iyo Real Madrid ay sidoo kale isha ku hayaan.
Si kastaba ha ahaatee, Sport ayaa sheeganeysa in City aysan guud ahaan xiiseyneynin saxiixa Haaland sababtoo ah xiriirka xun ee Raiola iyo tababare Pep Guardiola .
Guardiola ayaa diiday inuu ka hadlo wararka xanta ah ee Haaland shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay.
Haaland ayaa horay u dhaliyay 17 gool waxaana uu sameeyay shan kale 14 kulan xilli ciyaareedkan, oo ay ku jiraan 11 gool oo uu ka dhaliyay sagaal kulan oo Bundesliga ah.