Manchester City oo xiriir la sameysay weeraryahanka Barcelona Antoine Griezmann

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu xiriir la sameeyay weeraryahanka Barcelona Antoine Griezmann isbuucyadii la soo dhaafay.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa horay u sheegay inuu doonayo inuu arko inta ka dhiman qandaraaskiisa muddada dheer ee Camp Nou ka hor inta uusan u dhaqaaqin MLS sannadka 2024.

Si kastaba ha noqotee, iyadoo Barcelona ay u baahan tahay inay iska iibiso dhowr ka mid ah xiddigaha waa weyn si ay lacag uga helaan ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sida laga soo xigtay Foot Mercato , mustaqbalka fog Guardiola ayaa laga yaabaa inuu raadsado inuu wadahadal la galo 30 jirkaan hadii City ay ku guuldareysato inay la soo wareegto weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane .

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Guardiola uu wadahadal taleefan la yeeshay Griezmann, si ay u qiimeeyaan hadii ciyaaryahanka uu xiiseynayo Etihad Stadium.

Griezmann ayaa labo xilli ciyaareed isku qasan ku qaatay Barca, isagoo dhaliyay kaliya 22 gool 71 kulan oo uu saftay La Liga.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*