
Mason Greenwood ayaa dhaliyay gool cajiib ah iyada oo Manchester United ay barbaro 1-1 ah kula gashay kooxda Young Boys Garoonka Old Trafford ciyaar ka tirsanayd finalka Group F.
Greenwood ayaa hogaanka u dhiibay Man United daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta kadib markii uu si qurux badan u dhamaystiray koorno bidix uu kasoo qaaday Shaw.
Si kastaba ha ahaatee, kooxda martida ah ayaa barbareysay seddex daqiiqo ka hor qeybta nasashada iyadoo Fabian Rieder uu dhaliyay goolkaasi.
Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa ka maqneyd tamartii hore ee ciyaarta, inkastoo Young Boys ay u muuqdeen kuwa halis badan ku ah dhinac kale, balse ugu dambeyntii waxay awoodi waayeen inay helaan goolkii guusha.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro 1-1 ah, waxaanay Manchester United kaalinta koowaad kaga soo baxday Group F, hase yeeshee waxa la sugi doonaa kooxda kaalinta labaad marka ay habeen dambe wada ciyaaraan Villarreal iyo Atalanta oo kulankoodii caawa loo baajiyey baraf badan oo ka da’ay garoonkii ay ku ciyaari lahayeen.
Be the first to comment