Manchester United 1-2 Brighton: Ten Hag oo ku bilowday guuldarro lama filaan ah Garoonka Old Trafford

Manchester United ayaa muujisay inay qaadan doonto wax ka badan hal xilli-ciyaareed oo isku diyaarin ah si ay markale awood u yeelato, iyadoo Erik ten Hag uu ku bilaabay guuldarro 2-1 ah oo ay garoonkooda kala kulmeen Brighton.

United ayaa ku dhibtooneysay inay la tacaasho qulqulka Brighton, kooxda martida ah ayaana u qalantay inay laba gool ka dhaliyaan qeybta nasashada iyadoo Pascal Gross uu labo jeer dhaliyay goolasha Kulankan.

Daqiiqaddii 30aad ayuu Pascal Gross goolka koowaad u dhaliyey Brighton & Hove Albion, kaddib markii kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Welbeck uu laad awood badan ku weydaariyey goolhaye David de Gea oo dhawr tallaabo oo kaliya u jiray.

Manchester United oo la murugaysan goolka lagala  hormaray ayaa waxay sagaal daqiiqadood kaddib aragtay kubadda oo dhex taalla shabaqooda iyo isla Pascal Gross oo dabbaal-degaya oo goolka labaad ka dhaliyey.

45kii daqiiqadood ee u horreeyey ciyaarta ayay Brighton u qalmaysay inay la timaaddo goolal kale, halka Marcus Rashford uu dilay fursad fiican, sidoo kalena uu Bruno Fernandes kubbad goolka loo hordhigay uu la seegay shabaqa oo aan waxba u jirin.

Cristiano Ronaldo ayaa beddel kusoo galay ciyaarta waqtigii nasashada, waxaana uu isbeddel ku yimid weerarka kooxda oo dardar badan la yimid, balse waxay awoodi waayeen in ay jabiyaan darbiga difaaca Brighton illaa laga gaadhayay daqiiqaddii 68aad, markaas oo uu MacAllister iska dhaliyey kubbad goolhayaha cidhiidhi uu galiyey Diogo Dalot.

Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-1 ay guushu ku raacday Brighton oo guul kala hoyatay Old Trafford, xilli Erik ten  Hag ay falsafaddiisii uu ciyaartoydiisa ku tababaray ay shaqayn weyday.

United ayaa rajaynaysa in ay bilawdo waayihii Ten Hag sabtida soo socota oo ay marti u tahay Brentford, halka Brighton ay isla maalintaa marti galin doonto Newcastle United.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*