Manchester United 3-2 Arsenal: Ronaldo oo dib u soo laabtay isagoo labo Gool dhaliyay Kulan la Dubtay Gunners

Cristiano Ronaldo ayaa dhaafay 800 oo gool xirfadiisa ciyaareed iyadoo Manchester United ay dib ugu soo laabatay wadada guusha ee Premier League ka dib markii ay 3-2 kaga badisay Arsenal garoonka Old Trafford.

Arsenal ayaa hogaanka ciyaarta qabatay markii Emile Smith Rowe uu gool ka dhaliyay David de Gea oo dhaawac ah Daqiiqadii 13aad laakiin Bruno Fernandes ayaa dib u soo celiyay kooxdiisa goolka barbaraha Daqiiqadii 44ad isagoo saftay caawa kulankiisii ​​100aad ee United iyadoo lagu kala nastay bar-baro.

Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay Red Devils Daqiiqadii 52aad isagoo dhameestiray kubad banaanka loo soo dhigay oo ka timid Rashford iyadoo tababaraha cusub ee kooxda loo magacaabay Ralf Rangnick uu daawanayay ciyaarta.

Martin Odegaard ayaa si deg deg ah ugu soo celiyay Gunners goolka lagu lahaa isagoo ciyaarta ka dhigay 2-2 Daqiiqadii 55aad laakiin qalad lagu galay Fred isla markana rigoore loogu dhigay Red Devils waxaa u soo istaagay Ronaldo kaasi oo gool u badalay guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 3-2.

Natiijo ahaan Manchester United ayaa ku jirta kaalinta 7aad iyadoo leh 21 dhibcood halka Arsenal oo fadhisa kaalinta 5aad ay leedahay 23 dhibcood

United ayaa Crystal Palace ku marti galin doonta Old Trafford Axada, halka Arsenal ay haysato maalin nasasho oo dheeri ah ka hor inta aysan u safrin Everton.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*