Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay lasoo wareegto Alex McCarthy

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay u dhaqaaqdo goolhayaha Southampton Alex McCarthy.

Red Devils ayaa raadineysa inay la soo wareegto goolhaye cusub ka dib markii Dean Henderson uu xagaagan heshiis amaah ah ugu biiray Nottingham Forest.

Inkastoo Tom Heaton uu haatan ku taageerayo goolhayaha dooqa koowaad ee David de Gea , tababaraha United Erik ten Hag ayaa isha ku haya inuu xiddiga reer Spain siiyo tartan dheeri ah.

Sida laga soo xigtay The Sun , United ayaa McCarthy u aqoonsatay bartilmaameed macquul ah, inkastoo aan wali si rasmi ah loo samayn.

McCarthy ayaa seddex sano uga hartay qandaraaskiisa haatan ee Southampton, laakiin waxaa lagu bedelay goolhayaha koowaad ee kooxda waxaana bedelay saxiixa cusub Gavin Bazunu kaasoo Saints kaga soo biiray Manchester City.

32 jirkan ayaa shabaqiisa ilaashaday shan kulan kooxda South Coast 17 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore.

 

 

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*