Manchester United ayaa qarka u saaran inay labanlaabto mushaarka Bruno Fernandes heshiis cusub oo qaali ah.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay ku abaal mariso Bruno Fernandes heshiis cusub oo qaali ah kaasoo mushaharkiisa Old Trafford laba jibaari doona.

Xiddiga reer Portugal ayaa si lama filaan ah u qabsaday Premier League tan iyo markii uu yimid wuxuuna markale cadeeyay muhiimada uu u leeyahay kooxda Ole Gunnar Solskjaer kulankii West Ham United.

Fernandes ayaa markii hore lagu magacaabay kursiga keydka, laakiin kubadsameeyaha ayaa la keenay markii United ay 1-0 lagu hogaaminayay, waxaana uu u dhigay Paul Pogba goolka barbaraha, iyadoo Mason Greenwood iyo Marcus Rashford ay sidoo kale bartilmaameed ka ahaayeen guushaas 3-1 .

Sida laga soo xigtay The Mirror , United ayaa haatan diyaar u ah inay u soo bandhigto Fernandes heshiis cusub oo qaali ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 200 kun ginni Old Trafford, iyadoo 26 jirkaan uu haatan jeebka ku shubto 100 kun ginni isbuucii magaalada Manchester.

Fernandes qandaraaskiisa haatan ayaa dhacaya ilaa 2025, laakiin mushaharkiisa todobaadlaha ah ee haatan ayaa ka hooseeya Pogba seddex jeer, halka ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda David de Gea uu isbuucii ku qaadanayo 350 kun ginni.

Fernandes ayaa durbaba shabaqa soo taabtay 10 jeer xilli ciyaareedkaan tartamada oo dhan, ninki hore ee Sporting Lisbon.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*