Home Horyaalka France Manchester United iyo Arsenal oo ku dagaalamaya saxiixa Moussa Dembele.

Manchester United iyo Arsenal oo ku dagaalamaya saxiixa Moussa Dembele.

0
Ad

Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa lagu xamanayaa in ay ku wajahan yihiin saxiixa weeraryahanka Lyon Moussa Dembele inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

25-sano jirkaan ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Faransiiska, waxaana warbixin dhawaan soo baxday lagu sheegay in Man United ay isku dayday inay xagaaga lasoo wareegto da’yarkii hore ee Fulham.

Ad

Sida laga soo xigtay FootMercato , kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska kuguulaysatay ayaa qorsheyneysa inay soo indha indheeso Dembele marka ay Lyon la ciyaareyso Porto lugta labaad ee wareega 16ka Europa League habeenka Khamiista.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa sheegeysa inuu sidoo kale xiiso ka helayo Arsenal, iyadoo Gunners la filayo inay la soo wareegto dhowr weeraryahan oo cusub inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Dembele ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigaya kooxda Lyon intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2021-22, isagoo dhaliyay 10 gool, waxaana uu diiwangeliyay seddex caawin 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Man United ayaa lagu xamanayaa in ayna u aragto xiddiga reer France boos joogto ah, halkii ay badali lahaayeen Edinson Cavani kaas oo lagu wado in uu si xor ah uga tago Old Trafford dhamaadka bisha June.

Dembele ayaa dhaliyay 55 gool waxana loo diwangeliyay 16 caawin 131 kulan oo uu u saftay Lyon tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Celtic bishii Ogosto 2018.

Previous articleThomas Tuchel oo u furan inuu maqlo dalabka Manchester United.
Next articleLiverpool oo xiiseyneysa inay la soo wareegto Marcus Rashford oo ka tirsan Manchester United.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here