Home Wararka Ciyaaraha Maanta Manchester United iyo Arsenal oo bar-baro ku kala baxay, Manchester City oo...

Manchester United iyo Arsenal oo bar-baro ku kala baxay, Manchester City oo hogaanka dheereesatay

0

Kooxda Manchester City ayaa dheereesatay Hogaanka Horyaalka ingariiska iyadoo gurigeeda ku garaacday kooxda Sheffield United.

City ayaana guusha kulankan waxaa ugu filnaa hal gool ay heshay qeybta hore daqiiqadii 9-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay Gabriel Jesus.

Guusha ayaa ka dhigan in ay hogaanka horyaalka ku heyso 44 dhibcood halka Manchester united oo ku jirta booska labaad ay leedahay 42 dhibcood.

Maxaa Xiga

Manchester City ayaa kulakeeda xiga waxay la ciyaaridoonta kooxda Burnley kulan ka tirsan Horyaalka Premier leugue.

Arsenal 0-0 Manchester United

kooxaha Arsenal iyo Manchester United ayaa ciyaaray kulan ka tirsan Horyaalka ingariiska lugtiisa 21-aad.

Labada Kooxdood ayaana ku kala baxay bar-baro goolal la’an ah ciyaar ay labada kooxood wada qeyb sadeen qeybta hore oo manchester United ah iyo Qeybta danbe oo Arsenal fursado badan iska qasaarisay.

Natiijada kulankan ayaa ka dhigan in Manchester United ay wali baaqi ku noqoto kaalinta labaad ee Horyaalka iyagoo 3 dhibcood ka danbeeya kooxda Manchester City oo hogaanka heysa halka Arsenal ay booska 8-aad ay si ku meel gaar ah u fadhiso iyagoo leh 31 dhibcood.

Maxaa Xiga.

Arsenal ayaa kulankeeda xiga booqandoonta kooxda Wolves isla horyaalka halka Man United ay soo dhaweyndoonto kooxda Southampton.

Kulamadan la ciyaaray kadib sida loo kala horeeyo Horyaalka

Kooxaha P W D L F A GD PTS
1 Manchester City 20 13 5 2 37 13 24 44
2 Manchester United 21 12 5 4 37 27 10 41
3 Leicester City 20 12 3 5 36 22 14 39
4 Liverpool 20 10 7 3 40 23 17 37
5 West Ham United 20 10 5 5 30 24 6 35
6 Tottenham Hotspur 19 9 6 4 34 20 14 33
7 Everton 19 10 3 6 29 24 5 33
8 Arsenal 21 9 4 8 26 20 6 31
9 Chelsea 20 8 6 6 33 23 10 30
10 Aston Villa 18 9 2 7 33 21 12 29
11 Southampton 19 8 5 6 27 24 3 29
12 Leeds United 19 8 2 9 32 35 -3 26
13 Crystal Palace 21 7 5 9 25 36 -11 26
14 Wolverhampton Wanderers 21 6 5 10 21 30 -9 23
15 Burnley 19 6 4 9 13 24 -11 22
16 Newcastle United 21 6 4 11 21 34 -13 22
17 Brighton & Hove Albion 20 3 9 8 22 29 -7 18
18 Fulham 20 2 8 10 17 29 -12 14
19 West Bromwich Albion 21 2 6 13 17 50 -33 12
20 Sheffield United 21 2 2 17 12 34 -22 8

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here