Manchester United iyo Arsenal oo iska xaadiriyay Semi-finalka Europa League

Manchester United ayaa kasoo gudubtay Granada si ay semi-finalka Europa League u gaarto xilli ciyaareedkii labaad.

Edinson Cavani oo qeybtii hore gool dhaliyay iyo gool uu iska dhaliyay Jesus Vallejo ayaa ku filnaaday inay guul gaarto kooxda martida loo ahaa.

Cavani ayaa goolal dhaliyay bilowgii, iyadoo 33 jirkaan kubad qurux badan kuu a helay Paul Pogba ku hubsaday shabaqa.

Vallejo ayaa shabaqa kooxdiisa soo taabtay dhamaadka ciyaarta si uu guusha ugu xaqiijiyo kooxda martida loo yahay.

Slavia Prague 0 – 4 Arsenal

dhanka kale kooxda Arsenal ayaa 0-4 ku garaacday kooxda Slavia Prague iyagoo iska xaadiriyay semi-finalka koobkan.

Goolashada Arsenla ee kulanka waxaa u dhaliyay Nicolas Pepe gool dhigoore ah oo uu dhaliyay Alexandre Lacazette iyo labo gool ay ku sii dareen Bukayo Saka iyo Alexandre Lacazette.

Arsenal ayaa natiijadan waxay ka caawineysaa in ay iska xaadiriso Semi-finalka Europa League.

Kulamada kale ee la ciyaaray

Villarreal 2 – 1 Dinamo Zagreb kooxda Villarreal ayaa u soo baxday Semi-finalka.

Roma 1 – 1 Ajax Kooxda Roma ayaa u soo gudubtay Semi-finalka koobankan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*