Home Suuqa Kala iibsiga Manchester United iyo Arsenal oo labaduba diiday fursad ay kula soo saxiixan...

Manchester United iyo Arsenal oo labaduba diiday fursad ay kula soo saxiixan lahaayeen xiddiga Paris Saint-Germain Marco Asensio

0

Manchester United iyo Arsenal ayaa labaduba diiday fursad ay kula soo saxiixan lahaayeen xiddiga Paris Saint-Germain Marco Asensio dhamaadkii suuqa kala iibsiga.

Maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga Mikel Arteta iyo Erik Ten Hag ayaa doonayay in ay xoojiyaan kooxda.

Man United iyo Arsenal ayaa maalintii ugu dambaysay loo soo bandhigay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara PSG ee Marco Asensio.

Si kasta ha ahaatee Man United iyo Arsenal ayaa iska diiday in ay la soo saxiixdaan xiddiga reer Spain.

Labada kooxood ayaa xitaa diiday in ay wadahadalo la galaan koxoda PSG si ay u helaan saxiixa xiddiga.

Kooxaha premier League ayaa si deg-deg ah u diiday fursadii loogu soo bandhigay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here