Manchester United ayaa diiday heshiis ay Eden Hazard kaga soo qaadan laheyd Real Madrid.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa u soo dhaqaaqay Bernabeu 2019 isagoo ka yimid Chelsea, lakiin waxa uu la dhibtoonayay dhaawacyo iyo waqti la’aan intii uu joogay Spain.
Hazard ayaa kusoo bilowday kaliya afar kulan oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkan, waxaana lagu soo waramayaa inuusan ku jirin qorshaha Carlo Ancelotti , kaasoo doorbidaya Vinicius Junior.
Sida laga soo xigtay El Nacional , Real Madrid ayaa 30-sano jirkaan u soo bandhigtay kooxaha Yurub, iyagoo isku dayaya inay ka bixiyaan mushaarka sare ee uu qaato biilkooda, laakiin Manchester United, Bayern Munich , Paris Saint-Germain iyo Newcastle United ayaa dhamaantood diiday. fursadahaasi.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa intaa ku dartay in Juventus ay xiiseyneyso inay amaah kula soo saxiixato Hazard.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa u saftay 53 kulan muddo laba sano ah oo uu ku sugnaa Real Madrid, isagoo u dhaliyay shan gool, waxaana loo diiwaan geliyay sagaal caawin.