
Manchester United iyo Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha sida gaarka ah isha ugu haya xaalada qandaraaska Jamie Vardy ee Leicester City , sida lagu sheegay warbixin.
35-sano jirkaan – oo uu dhaawac ka soo gaaray xilli ciyaareedkii 2021-22 – hadda wax ka yar 12 bilood ayaa ka haray inuu ku sii socdo heshiiskiisa King Power Stadium.
Brendan Rodgers ayaa horay u qorsheeyay nolosha Vardy la’aantiis isagoo keenay Patson Daka si uu ula tartamo Kelechi Iheanacho , isagoo shaki galiyay rajada uu u qabo inuu heshiis cusub u saxiixo Vardy
Sida laga soo xigtay 90Min ,Chelsea iyo Man United ayaa labadooduba isha ku haya xaalada ,laakin waxa ay yihiin kaliya laba ka mid ah “tirada” kooxaha Premier League ee ka fiirsanaya in ay la soo wareegaan xiddigii hore ee England.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Foxes aysan wax wada xaajood ah la furin Vardy oo ku saabsan qandaraas cusub, laakiin Rodgers ayaa u sheegay suxufiyiinta horaantii sanadkan inuu ka nasanayo xaalada.
Be the first to comment