Manchester United iyo Manchester City oo ku dagaalamaya saxiixa Julian Alvarez bisha Janaayo.

kooxda ku Xifaaltama Premier League ee Manchester United iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay xiiso u qabaan saxiixa Julian Alvarez bisha January.

21 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa naftiisa ka dhigay mid ka mid ah xidigaha ugu fiican ee South America, isagoo dhaliyay 17 gool isla markaana diiwaan gashaday todobo caawin 19 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Calciomercato kooxo badan oo Yurub ah ayaa xiiseynaya saxiixa Alvarez suuqa jiilaalka, iyadoo United iyo City ay yihiin kooxihii ugu dambeeyay ee ku soo biiray tartanka.

Real Madrid , Atletico Madrid , AC Milan , Inter Milan , Sevilla , Aston Villa iyo Real Betis waa kooxo kale oo rajeynaya inay helaan saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina.

Alvarez ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxda River Plate waxa uu ku egyahay bisha December 2022, kaasoo ay ku jiraan €25m (£21.1m) oo lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*