Manchester United iyo Manchester City oo la xiriiray wakiilka David Alaba

Manchester United iyo Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay dooneysa lasoo wareegitaanka Daafaca Bayern Munich David Alaba bisha January.

Iyadoo ay ka harsan tahay kaliya lix bilood qandaraaskiisa, Alaba ayaa soo jiitay xiiso kooxaha kale iyadoo kooxaha ay isha ku hayaan qiimo jaban oo ay ku doonayaan ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Austria.

Chelsea ayaa si aad ah loola xiriirinayay inay lasoo wareegeyso 28 jirkaan, iyadoo Frank Lampard uu weli raadinayo bedelkiisa daafaca.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay AS , United iyo City ayaa labaduba wadahadal la yeeshay wakiilka Alaba ee Pini Zahavi .

Inkastoo Bayern laga yaabo inay diido wax dalab ah bartamaha xilli ciyaareedka, kooxahan ayaa xor u ah inay wadahadal rasmi ah la galaan Alaba bisha Janaayo.

Ku guuleystayaasha 2020 Champions League ayaa sii wada dadaalkooda si ay ugu tijaabiyaan Alaba inuu qalinka ku duugoheshiis cusub oo garoonka Allianz Arena ah.

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*