Manchester United oo 2-1 uga Badisay Kooxda West Ham United, De Gea oo Hormuud u ahaa Guusha

Kooxda Manchester United oo Booqasho ku tagtay Garoonka London Stadium ayaa Halkaas ugu soo badisay Kooxda West Ham United, guul uu sabab u ahaa De Gea.

West Ham ayaa hogaanka la hormartay qeybtii hore ee ciyaarta ka hor inta uusan Ronaldo barbareynin isagoo dhaliyay goolkiisii afaraad ee seddex kulan uu u ciyaaray United, laakiin Jesse Lingard oo bedel ku soo galay ayaa daqiiqadii 89aad goolka guusha u saxiixay Red Devils iyadoo ay aheyd gool qurux badan.

Ciyaarta ayaase ku dhamaatay si waali ah markii daqiiqadii 3aad ee seddex daqiiqo oo ciyaarta lagu daray Man United laga dhigay rigoore. Mark Noble oo bedel loogu soo geliyay inuu rigoorada tuuro ayaa waxaa rigooradiisa badbaadiyay David de Gea.

Tababare Solskjaer ayaa isbedel dhanka weerarka ah sameeyay kulankii maanta isagoo keyd geliyay Jadon Sancho, wuxuu ku soo bilaabay Paul Pogba, Bruno Fernendes iyo Mason Greenwood oo seddexduba ka ciyaarayay Cristiano Ronaldo gadaashiis kaasoo weerarka hogaaminayay.

Manchester United ayaa Hada ku soo laabatay Hogaanka Horyaalka inkastoo Farqiga goolasha ay Liverpool ku fadhiso kaalinta 1aad.

Shaxda Ciyaarta

West Ham XI: Fabianski, Ogbonna, Cresswell, V. Coufal, Zouma, S. Benrahma, Vlasic, Soucek, Bowen, Rice, Fornals

Subs: Noble, Yarmolenko, Dawson, Areola, Lanzini, Masuaku, Fredericks, Diop, A. Král

Man Utd XI: Ronaldo, De Gea, Varane, Pogba, Maguire, Fred, Shaw, Bruno Fernandes, Wan-Bissaka, McTominay, Greenwood

Subs: Heaton, Mata, Matic, Martial, Lingard, Bailly, Van de Beek, Dalot, Sancho

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*