Home Suuqa Kala iibsiga Manchester United oo badalaysa Antony

Manchester United oo badalaysa Antony

0

Manchester United ayaa dooneysa inay beddesho Antony xagaagan, waxayna dhexda ka gashay tartanka loogu jiro saxiixa garabka Barcelona Raphinha.

Red Devils ayaa laga yaabaa inay ku fikirto inay dalab suuqa kala iibsiga xagaaga ka gudbiso xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil Raphinha, sida laga soo xigtay SPORT.

Ronald Araujo iyo Frenkie de Jong waa laba ciyaaryahan oo Barcelona ah oo lala xiriirinayay Man United dhawaanahan.

Raphinha ayaa ah ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee lala xiriiriyo u dhaqaaqista Old Trafford.

Laacibkii hore ee Leeds United ayaa boos ka waayay safka hore ee Barcelona, ​​kooxda reer Catalan ayaana ku fikiri karta inay lacag kaash ah ku hesho.

Laacibka ayaa ka caga jiidaya inuu ka tago kooxda ka dhisan La Liga, waxaana uu u cadeeyay maamulka Barcelona inuusan dooneynin inuu ka tago Camp Nou xagaagan.

Man United ayaa xagaagan la soo wareegtay weeraryahan Joshua Zirkzee iyo daafaca Leny Yoro halka labada daafac ee Bayern Munich Matthijs de Ligt iyo Noussair Mazraoui ay ku dhow yihiin inay dhamaystiraan u dhaqaaqitaankooda Old Trafford.

Ganacsiga suuqa kala iibsiga ee Man United kuma dhamaan doono halkaas iyaga oo doonaya in ay la soo saxiixdaan xiddig khadka dhexe ah.

Garabka reer Brazil ayaa kooxda Barcelona kula jira heshiis dhacaya 2027 mana jiro wax rabitaan ah oo uu kaga tagayo kooxda xagaagan.

Haddii Man United ay xaqiijiso saxiixiisa, waxay heli doontaa ciyaaryahan khibrad u leh  Premier League kaasoo dhalin kara fursadona u abuuri kara asxaabtiisa si joogto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here