Manchester United oo Bar-baro kala kulantay Kooxda Fulham, Cavani oo goolashiisa sii wada

Kooxda Manchester United oo garoonkeeda kula ciyaartay Kooxda Fulham ayaa kala kulantay bar baro 1-1.

Goolasha Kulankan waxaa Manchester United u dhaliyay Xidiga Edinson Cavani halkan dhanka Fulham ay heshay xidiga Joe Bryan qeybta danbe ee ciyaarta.

Manchester United oo kulankan taageerayaasheeda ku soo dhaweesay bar-baro ciyaar ay xidigaha Manchester United isla qasaariyeen dhoor kubadood.

Sharaxaada Ciyaarta

Daqiiqadii 15aad Manchester United ayaa u suura gashay in ay Hogaanka qabato Edinson Cavani ayaana Shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay Bruno Fernandes.

Edinson Cavani iyo Mason Greenwood ayaa iyaguna helay fursado kale ka hor intii aan loo bixin qaybta hore, waxaanay United u qalmaysay in natiijadu ay intan ka badato qaybta hore.

Daqiiqadii 76aad ayay Fulham u suura gashay goolka bar-baraha ee kulankan daafaca Joe Bryan ayaana shabaqa la helay kubad uu ka helay Bobby Reid guud ahaan kulankan ayaa ku soo dhamaaday 1-1.

Natiijada kulankan ayaa ka dhigan in Manchester United ay sii fadhiso booskeeda labaad ee Horyaalka iyagoo leh 71 dhibcood.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*