Manchester United oo Bar-baro kala kulantay Ac Milan, Natiijooyinka Kulamada laga ciyaaray Europa League

Kooxda Manchester United ayaa Ba-baro kala kulantay kooxda Ac Milan kulan ka tirsan Europe League oo lagu ciyaarey Garoonkeeda Old Trafford.

Qaybtii hore ayay labada kooxood ku kala baxeen barbarro goolal la’aan ah, hase yeeshee da’yarka ay United lasoo saxeexatay bishii January ee Amad Diallo oo beddelay Anthony Martial oo dhaawac lagu saaray waqtigii nasashada, ayaa gool madax ugu dhaliyey Manchester United Daqiiqadii 50-aad.

Kooxda AC Milan ayaa waqtigii dhimashada madax ku dhalisay goolka barbarraha oo uu u dhaliyey Thorup Kjær. Daqiiqadii 90+2 aad ee ciyaarta iyadoo guud ahaan ay ciyaarta ku soo dhamaatay 1-1.

Kooxda Ac Milan ayaa qeybta hore laga diiday labo gool oo midkood lagu eegay Var halka kan kale uu ahaa Offside , United ayaa dhankeeda dhoor kubad qasaarisay sida kubad birta uga dhacday Harry Maguire.

Lugta labaad ee labada kooxood ayaa Khamiista toddobaadka dambe waxay ka dhici doontaa garoonka San Siro ee magaalada Milan, halkaas oo naadiga guuleysta uu iska xaadirin doono wareegga siddeedda, hase yeeshee Milan ayaa soo bixi doonta haddii ay barbarro goolal la’aan ah ku dhamaystaan, halka Manchester United ay barbarro ka badan 1-1 kusoo gudbi doonto.

Maxaa Xiga

Man United ayaa kulanka xiga la ciyaaridoonta West Ham halka Ac Milan ay soo dhaweyn dooto kooxda Napoli.

Kulamada kale dib ugu soo laabo halkan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*