Manchester United ayaa ceyrisay tababare Erik ten Hag kadib qaab ciyaareedkii liitay ee ay kooxdu ku bilaabatay xilli ciyaareedkan.
Ciyaartii ugu dambaysay ee Ten Hag ayaa ahayd guuldaradii 2-1 ee Axadii kasoo gaartay West Ham taasoo ka dhigtay in kooxda ay ku jirto kaalinta 14aad ee Premier League iyagoo badiyay kaliya seddex ciyaar sagaalkii kulan ee furitaanka.
United ayaa sidoo kale ku jirta kaalinta 21-aad 36-da kooxood ee kala saraynta tartanka Europe League iyaga oo bar-bardhac galay 3-dii kulan ee furitaanka.
Ruud van Nistelrooy oo kooxda ku soo biiray xagaagii hore isagoo ah caawiyaha Ten Hag ayaa loo magacaabay maamule ku meel gaar ah. Kooxda ayaa sheegtay in Van Nistelrooy uu ahaan doono masuulka “inta la qorayo tababare joogto ah”.