Home Warar Ciyaaraha Maanta Manchester United oo dalab rasmi ah ka gudbisay Sander Berge

Manchester United oo dalab rasmi ah ka gudbisay Sander Berge

0

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Manchester United ayaa dalab rasmi ah ka gudbisay Sander Berge laakiin waa wax ka yar 30 milyan oo euro oo ah lacagta ay Burnley dalbanayso.

Daafaca khadka dhexe, oo 26 jir ah, ayaan ilaa hadda ka soo muuqan Championship-ka. Waxaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Old Trafford, iyadoo Erik ten Hag uu doonayo in uu xoojiyo kooxda.

Berge ayaa la rumeysan yahay inuu yahay dookh kaabis ah haddii ay dhacdo in Man United ay ku guuldareysato saxiixa Manuel Ugarte.

Inkastoo ay wadahadalo kula jireen PSG muddo bilo ah, Red Devils ayaan weli heshiis buuxa gaarin.

PSG ayaa ugu yaraan ku dooneysa 50 milyan euro Laakiin Man United ayaa aaminsan in taasi ay tahay mid xad dhaaf ah.

Taas badalkeeda kooxda Man United ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Berge.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here