Manchester United oo dalabkii ugu horeysay ka gudbisay Benjamin Sesko

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay dalab rasmi ah ka gudbisay weeraryahanka Red Bull Salzburg ee Benjamin Sesko .

Mustaqbalka 19-sano jirkaan ayaa haatan ah mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo kooxo dhowr ah la sheegay inay doonayaan saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Slovenia ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Man United ayaa la rumeysan yahay inay dhawaan la kulantay wakiilka Sesko Elvis Basanovic iyo Salzburg si ay ugala hadlaan suurtogalnimada ay ugu dhaqaaqi karaan da’yarkan

Sida laga soo xigtay Sportklub , kooxda 20-ka jeer ku guuleysatay horyaalka Ingariiska ayaa haatan dalab rasmi ah miiska u saartay weeraryahanka, iyadoo kooxdu ay quus ka taagan tahay inay ku guuleysato tartanka loogu jiro saxiixiisa.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Chelsea iyo Paris Saint-Germain ay sidoo kale dalab ka gudbiyeen, halka la rumeysan yahay inay xiiseynayaan kooxaha sida Newcastle United , Bayern Munich , Borussia Dortmund iyo RB Leipzig .

Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*