Home Warka Xiisaha Leh Manchester United oo dhamaystirtay saxiix cusub oo maanta oo uu xirmayo...

Manchester United oo dhamaystirtay saxiix cusub oo maanta oo uu xirmayo suuqa iibka ciyaartoyda

0

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa hadda dhamaystirtay saxeex cusub oo maanta oo uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoydu uu tababare Erik ten Hag kusoo dhoweyn doono kooxdiisa.

Manchester United oo sidoo kale sugaysa labada ciyaartoy ee Sergio Reguilon iyo Sofyan Amrabat isla markaana lala xidhiidhinayo difaaca dhexe ee reer France ee Jean Claire-Todibo ayaa waxay hadda xaqiijisay saxeex reer Turkey ah oo waqti hore la sugayay inuu yimaaddo Old Trafford.

Red Devils ayaa waxay la saxeexatay goolhayaha reer Turkey ee Altay Bayindir oo maanta tijaabada caafimaadka ku maraya Carrington, waxaana isla maanta si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa heshiiskiisa.

Fenerbahce ayaa ogolaatay in ay Altay Bayindir ku iibiso lacag u dhaxaysa €6 illaa €7 milyan oio Gini, waxaana uu noqon doonaa goolhayaha labaad isaga oo kaydka u fadhiyi doona Andre Onana.

Previous articleWar Deg Deg ah:Liverpool oo saaka ay u tahay mid farxadeed iyo Saxiix Cusub oo hadda ka degay UK
Next articleBarcelona oo heshiis la gaaratay xiddiga reer Portugal ee Joao Felix

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here