Manchester United oo dhameystirtay heshiis 37 milyan oo ginni ah oo ay kula soo saxiixaneyso xiddigga Atalanta Diallo

Photo/Getty Image

18 jirkaan garabka ka ciyaara ayaa ku biiri doona Red Devils bishaan ka dib markii uu helay dhamaan waraaqaha Shaqada

Manchester United ayaa dhameystirtay saxiixa Amad Diallo oo ka yimid Atalanta iyadoo dhameystirtay waraaqihii Shaqada ee xidigan.

Red Devils ayaa ogolaatay qiimaha ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, kaasoo kor u kici kara 37 million ($ 50m) oo lagu daro lacagihii lagu kordhiyay bishii Oktoobar maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga xagaaga, laakiin heshiiska ayaa weli ku xirnaa helitaanka ruqsad shaqo. iyo arimo gooni u ah xidigan.

United ayaa heshay Diallo kadib codsiga Maamulka ee  Isbuucaan codsigaasi oo la diray January 1-deeda, wuxuuna noqonayaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee saxiixiisa la diiwaangeliyo iyadoo la raacayo sharciyada cusub ee FA-ga ee la dhaqan galiyay wixii ka dambeeyay Brexit.

Ciyaaro kala Soco Wararka Ciyaaraha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*