Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayso inay dalab 103 milyan ginni ah ka gudbiso weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe maalmaha ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga.
Laacibka heerka caalami ee dalka France waxaa qandaraaskiisa haatan uga haray wax ka yar 12 bilood, mana ahan wax qarsoon inuu u furan yahay inuu u wareego Bernabeu.
Sida laga soo xigtay TEAMtalk, Mbappe hooyadiis iyo wakiilkiisa ayaa ku riixayay weeraryahanka inuu si xor ah ugu saxiixo Manchester United xagaaga soo aadan.
24-sano jirkaan ayaa wax badan ka bedeli doona ciyaarta Red Devils. Mbappe ayaa dhaliyay 213 gool 261 kulan oo uu u saftay PSG sidoo kale waxa uu sameeyay 98 caawin. Tani waxay siinaysaa celcelis ahaan 1.19 gool wax ku biirinta ciyaartiiba.