Home Wararka Ciyaaraha Manchester United oo dib u soo ceshatay xiisaha Victor Osimhen

Manchester United oo dib u soo ceshatay xiisaha Victor Osimhen

0

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay isku dayi doonto inay dib u soo celiso xiisaha ay u qabto weeraryahanka Napoli Victor Osimhen marka la gaaro suuqa January.

Red Devils ayaa lagu eedeeyay inay muddo dheer jeclaayeen 23 jirkaan, kaasoo si xoogan loola xiriirinayay inuu u wareegi karo Old Trafford xagaagii.

Osimhen ayaa xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay gool dhalinta Napoli isaga oo dhaliyay 18 gool waxana uu caawiye ka noqday 6 gool 32 kulan oo uu u saftay kooxda reer Italy tartamada oo dhan.

Warbixin la soo saaray bishii hore ayaa lagu sheegay in United ay sahamineyso suurtagalnimada heshiis isku bedelasho ah oo ay la gasho Napoli oo ay ku lug leeyihiin Osimhen iyo Cristiano Ronaldo, laakiin hindisahan ayaa ku guuldareystay inuu miro dhalo.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Man United ayaa dib u soo nooleyn karta xiisaha ay u qabto xiddiga heerka caalami ee dalka Nigeria suuqa jiilaalka, iyadoo mustaqbalka Ronaldo ee Old Trafford aan la hubin.

Osimhen, oo weli seddex sano uga harsan tahay qandaraaskiisa Naples, ayaa ku adkeystay bishii hore inuusan raadineynin inuu ka tago kooxda Seri A waqti dhow.

Previous articleChelsea oo diiday fursad ay kula soo saxiixan lahayd xiddiga khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni
Next articleWararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Iyo Wargeysyada Maantay Oo Arbaco ah 21-ka September

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here